Madaxweyne Lafta Gareen oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Daawo Sawirada).

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo xibno la socda ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqsisho.

Lafta Gareen iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaraha magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowlada Federaalka Soomaaliya.

Warar hoose aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Lafta Gareen looga yeeray Madaxtooyada Soomaaliya si uu kulamo looga arinsanayo doorashada Soomaaliya ula qaato Madaxda dowlada.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaana dooneysa Madaxweyne Lafta Gareen iyo madaxda kale ee taabacsan ka dhaa dhiciso qorshaha mudo kororsiga iyo nuuca doorasho ee Madaxtooyada rabto in la qabto hadii mudo kororsiga fashilmo.

Magaala Muqdisho waxaa horey ugu sugnaa Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle kuwaa oo kulamo kala duwan la qaatay Madaxda ugu sareysa dowlada federaalka.

- Advertisement -